
Silsilad · 14 qaybood
Silsiladda Guba
Silsiladda gabayga Guba oo ay ka qaybqaateen gabyaaddii waaweynaa ee Soomaaliyeed. Qayb kasta waa jawaab loogu celiyay tii ka horreysay.
- 1

Meshuu ka Bilowday Gabaygii Guba
Cali Dhuux Aadan
Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan oo Harti, Dhulbahante ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka mid ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu geeyey hal (geel) lagu magacaabi jiray Cartan. Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa.
- 2

Guba: Qaybta 1aad
Cali Dhuux Aadan
Kolkii ay muddo ka soo wareegatay gabaygiisii "Cartaneey Camuud layska qaad...", wuxuu Cali-Dhuux Aadan raaciyay gabay ah: "Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye". Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii GUBA.
- 3

Guba: Qaybta 2aad
Qamaan Bulxan
Qaybtaan oo kamid ah silsiladda gabayga Guba waxaa tiriyay Qamaan Bulxan, waxayna jawaab u tahay qaybta 1aad oo uu tiriyay Cali-Dhuux.
- 4

Guba: Qaybta 3aad
Maxamed Fiin
Qaybtaan oo ka mid ah silsiladda gabayga Guba waxaa tiriyay Maxamed Fiin [Habar Yoonis]
- 5

Guba: Qaybta 4aad
Qamaan Bulxan
Waa Qamaan Bulxan oo mar labaad ku soo laabtay silsiladda gabaygii Guba.
- 6

Guba: Qaybta 5aad
Cali Dhuux Aadan
Waa qayb kaloo ka mid ah silsiladda gabaygii caan baxay ee Guba.
- 7

Qaybta 6aad ee gabayga Guba
Buraale Cali
Haddana waxaa silsiladdii Guba soo galay Buraale Cali oo Ogaadeen ah.
- 8

Qaybta 7aad ee gabayga Guba
Cali Dhuux Aadan
Waxaa mar kale ku soo noqday Cali Dhuux oo ahaa ninkii markii horeba bilaabay silsiladda Guba.
- 9

Gabayga Guba: Qaybta 8aad
Cilmi Carab Cabdi
Waxaa haddana ku soo biraay silsiladda nin la oran jiray Cilmi Carab oo Dhulbahante ah.
- 10

Gabayga Guba: Qaybta 9aad
Ismaaciil Cigaal Bullaale
Waxaa haddana ku soo biraay silsiladda nin la oran jiray Ismaaciil Cigaal Bullaale oo Habar Yoonis ah.
- 11

Gabayga Guba: Qaybta 10aad
Ismaaciil Mire
Waxaa haddana ku soo biraay silsiladda Darwiishkii waynaa Ismaaciil Mire.
- 12

Gabayga Guba: Qaybta 11aad
Cali Dhuux Aadan
Waa Cali Dhuux oo haddana mar kale soo laabtay.
- 13

Gabayga Guba: Qaybta 12aad
Cali Dhuux Aadan
Mar kale iyo haddan Cali Dhuux Aadan.
- 14

Guba: Qaybta 13aad
Salaan Carrabey
Waxaa gabayga Guba markaan ku soo biiray Salaan Carrabey oo Habar Jeclo ah.