Dowladdii Daraawiishta
Dawladdii Darwiishtu(Dervish State) waxay ahayd dawlad la aas aasay 1897-kii oo uu aasaasay Maxammed Cabdille Xasan. Xertiisa Soomaaliyeed waxay u aqoonsanayeen inuu yahay 'Sayid' (hogaamiyaha ruuxiga ah). Dhowr sano ka hor intuusan aas aasin Daraawiishta ayuu u baxay gudashada waajibaadka Xajka. Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka. Markii uu dekedda magaalada Berbera ka soo dagay, ayay saraakiil ka tirsanayd xukunkii guumaystaha ka dalbadeen inuu siiyo kaarka gelitaanka dalkiisa! Maxammed Cabdille Xasan aad buu uga carooday arrinkaas, wuxuuna dhinac u tuuray mid ka mid ah mas’uuliyiinta, wuxuuna u kicitimay miyiga.
Sannadkii 1899-kii ayuu Sayidku warqad u qoray Ingiriiska oo uu ku diidan yahay joogitaankooda. Sayidku wuxuu yiri: “Hadda laba mid un kala doorta: haddaad dagaal rabtaan, waannu aqbalaynaa; laakiin haddaad nabad doonaysaan, waa inaad na siisaan canshuur ilaalin ah." Sayyidka ayaa saraakiishii Ingriisku u bixiyeen ‘Shiikii Waalnaa’, sababtoo ah qofkii iyaga amoorkooda qaadan waaya ayay u haysteen inuu yahay mid caddaystay ‘waallida’. Markii cilaaqaadku bilaabay inuu xumaado, Ingiriisku wuxuu si rasmi ah u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Daraawiishta isagoo ku shaabbadeeyay iney yihiin 'fallaagada Imbaraadooriyadda'. Maadaama uu ahaa gabyaa iyo hadal-yaqaan, Sayidku waxa uu awooday in uu dad badan ku dhiirrigeliyo in ay ku biiraan qadiyadiisa la dagaalanka imbaradooriyadda.
Daraawiishta ayaa hadal hayn wayn ka dhalisay gobolka ka dib dhowr weerar oo gaadmo ah iyo iskahorimaad kala dhaxeeyay Ciidanka Geela Fuula(Camel Corps) ee Ingiriiska. Isagoo caraysan ayuu 1913kii Dhamme Richard Corfield oo Soomaalidu u garan ogtahay Koofil wuu hooggaamiyay weerar ka dhan ah Daraawiishta. Dhamme Koofil ayaa lagu dilay dagaalkan, ciidamadiisiina waxay noqdeen wax la laayay ama waa la xiray. Dhacdadani waxay Soomaalidu u taqaannaa Dagaalki Koofil. Guushii Daraawiishtu waxay ahayd mid lagu diirsaady oo mooraalka xoojisay, Sayidkuna wuxuu tiriyey gabay caan baxay oo uu ku maamuusayo guushaan taariikhiga ah. Tani waxay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta u soo jiidday sumcad weyn, waxayna kasbadeen qabaa’ilka Soomaalida. Gabaygii Sayidka ee guusha waxaa ka mid ahaa; "Adaa Koofiloow jiitayaan, dunida joogayne, Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede, Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato, Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye, Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto, Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda, Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh, Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh." Halkaan ka eeg gabaygii Sayidka ee Koofil.
Intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Aduunka, gobolladii Soomaalida waa laga jeestay, waxaana xoogga la iskugu geeyay dhanka Yurub waxayna taasi siisay dhaqdhaqaaqii Sayidka fursad inuu dib isu abaabulo. Jarmalka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo labaduba wakhtigaas Ingiriisku u aqoonsanaa dawlado cadaw ah ayaa Dawladdii Daraawiishta waxay si rasmi ah ugu aqoonsadeen in ay xulafo yihiin. Intii uu socday Dagaalkii Koowaad ee Aduunka Daraawiishtu waxay ku guulaystay in ay ahaato dawladda kaliya ee Muslimka ah ee xorta ka ah qaarada Afrika. Sannadkii 1918-kii, Ingiriisku wuxuu aasaasay Ciidanka Cirka ee Boqortooyada(RAF) – tani waxay ugu dambeyntii noqon doontaa masiibada Daraawiishta. Sannadkii 1920kii, RAF waxay duqaysay caasimadda Daraawiishta ee Taleex. Waxaa loo arkaa mid ka mid ah howlgalladii ugu horreeyay ee duqeymaha hawada laga fuliyo ee Afrika. 21 sano ka dib oo ay socotay iska caabintii ay hormuudka u ahyeen Daraawiishta ee ka dhanka ahayd Imbaraadooriyaddii Ingriiska, Dowladdii Daraawiishta waxay ugu dambeyntii burburtay 1920kii.
W/Q: Abuukar Cilmi
Tarjumaad: HiilDhaxal
Sharaf bay ku tagaalameen, sharaf bay ku dhinteen, innaguna sharaf baannu ku xasususan doonnaa.